Boqor Buurmadow oo sheegay in Wasiir Dubbe ku gefay dawladaha Somaliland caawiya

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta Somalia Cismaan Abokor Dubbe oo saxaafadda shalay kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Imaaraadku ku xadgudbay sharciga caalamiga ah markii uu u gudbiyay dowlada Soomaaliya inay tahay dowlad kumeel gaar ah “Imaaraadka waa inuu ixtiraamaa sharcinimada dowladda Soomaaliya. Waxay (UAE) doonayaan inay u arkaan Soomaaliya sida Liibiya ama Yemen.”

Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka tirsan bahda dhaqanka Somaliland, ayaa raalligelin ka bixiyay hadalkaas ka soo yeedhay Wasiirka, waxaannu wax laga xumaado ku tilmaanay in wasiirku difaacayo dawlad wakhtigeedii dhamaaday.

“Waxaan jecelahay inaan raalligelin ka bixiyo Cismaan Abokor Dubbe oo ku magacaaban Wasiirka warfaafinta Somalia, oo aan anigu madaxdhaqameedkiisa ahay oo Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo u magacaabay, waayo maanta dawladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wakhtigeedii wuu dhamaaday sidaan la socono, meeshiina waxay u muuqataa meel laysku haysto.
Illaa hadda xaaladda Somalia waanu la soconaa, waxaan aad iyo aad uga xumahay ninkani maadaama aanu dawlad sharci ah ka tirsanayn mar walba isagoo af dawladeed kh hadlaya inuu ku gefo dawladaha jaarka sida Djibouti, Kenya dawladda Imaaraadka oo intaba maslaxado beesha iyo qaranka uu ka soo jeedo ee Somaliland ku leeyihiin masaaliix, marka hore waxaan jecelahay inaan raaligelin ka bixinno.”ayuu yidhi Boqor Buurmadow oo khadka telefoonka ugu warramay Bulsho Tv.

Boqor Buurmadow, waxaa uu sheegay in Wasiir Dubbe uu kula taliyay inuu iimaansado dalkiisa Somaliland intii aanu xulkaas qaadan, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,
Anigu waxaan ahaa raggii kula taliyay inuu shacabkiisa uu iimaansado Somaliland oo aanan kula talin inuu koonfur u hayaamo, haddii uu tegayna markii danbe waxaan kula taliyay iyadoo saddex bilood u hadhay inaanu wasiir warfaafineed qaadan haddii uu qaatayna, Muqdisho shacbiyad baa noo joogta, dadka naga jooga dawladaha jaarka ah iyo dadka horumarka Somaliland ka shaqeeya oo ay ka mid tahay dawladda Imaaradka Carabtu oo dhisay dekedda Berbera, laamiyada Cusbitaallada oo maalin walba gacan furan oo walaaltinimo u fidinaysa in isagoo hadda magac dawladeed aan xambaarsanayn eevxambaarsan magac reer uu aflagaadeeyo waanu ka xunnahay, raalligelina waanu ka bixinaynaa.”

Bayaan ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Isutaga Imaaraadku, waxay ugu baaqday dowladda ku meel gaadhka ah iyo dhammaan dhinacyada inay muujiyaan heerarka ugu sarreeya ee xakamaynta si loo gaadho himilooyinka Soomaaliya ee ah in la dhiso dhammaan mustaqbal xasilloon.

“Imaaraadku wuxuu cadeeyay inuu taageerayo dhamaan dadaalada caalamiga ah iyo dadaallada lagu doonayo in lagu qabto doorasho hufan oo xalaal ah taariikhda la cayimay waxayna ku boorisay dhinacyada Soomaalida inay gacmaha is qabsadaan si looga hortago halista argagixisada iyo xagjirnimada. ayaa lagu yidhi, bayaankaa oo ay baaisay wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka Carabta Emirates News Agency .

Bayaanka, ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu muujiyey rajadiisa in xasillooni ay ka hirgasho Soomaaliya si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda qaran,  isla markaana loo fuliyo himilooyinka shacabka walaalaha ah. ayaa lagu yidhi, Bayaanka.

Berberanews, info@berberanews.com