Boqor Buurmadow oo taageeray Musharrax Maxamed Somali

0

Hargeysa-(Berberanews)-Boqor Cismaan Maxamed (Buurmadow), ayaa taageero weyn u muujiyay Musbarrax Macalin Maxamed Cismaan (Maxamed Somali) oo u sharraxan Xildhibaannada Golaha Wakiilada ee Gobolka Hargeysa.

Boqor Cismaan oo khudbad toos ah kaga qaybgalay madasha shaacinta Musharrax Maxamed Somali oo caawa lagu qabtay Hargeysa, ayaa ugu baaqay Beesha Bariga Burco inay hiil siiyaan musharraxa ma soo jeeda Gobolka Togdheer.

Boqorka oo arrintaas ka hadlayaana waxaa uu yidhi, “Waxaan hambalyaynayaa, soona dhowaynayaa Musharax nimada macalin Maxamed Cismaan oo caawa lagu shaacinaayo magaalo madaxda Hargaysa.
Maxamed wuxuu kasharaxan
Yahay gobolka Maroodi Jeex, gaar ahaan Golaha Wakiilada ee Xisbiga UCID, sidaa awgeed waxaan ku boorinayaa
Dhamaan beelaha habarjeclo inay isgarabtaagaan dalka iyo dibadaba.
Waxaan umahadnaqayaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo xisbigiisa UCID oo tixgeliyey Miisaanka macalin Maxamed Cismaan, isaga tixgeliyey tacabkii uu geliyey bahda waxbarashada ee Gobolka Maroodijeex.” ayuu yidhi Boqorku.

Berberanews.com, info@berberanews.com