“Boqor Cismaan Buurmadow waa shaqsigii ugu horeeyay ee dalka Somaliland gudihiisa ku afduuba ruux shaqsi ah..”Isbahaysiga Xuquuqal-insaanka Somaliland

0

Hargeysa-(Berberanews)-Isbahaysiga ururada difaacayaasha xuquul-insaanka Somaliland ee SOHIRA-Net, ayaa xukuumadda Somaliland ku taageeray xadhiga Boqor Cismaan Buurmadow oo ay sheegeen inuu yahay shakhsigii ugu horeeyay ee Somaliland gudaheeda afduub ka geysta. Iyo falkii ay xukuumada xabsiga ugu taxaabtay La taliyihii hore ee Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Maroodijeex, iyo Agaasimihii hore ee Wasaarada Dib u Dajinta Somaliland, kuwaasi oo haatan garsugayaal ku ah xabsiga dhexe ee Caasimada Somaliland kuna eedaysan falal musuqmaasuq.

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Afhayeenka Isbahaysiga Ururada Xuquuqda Aadamaha Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale, ayaa lagu sheegay in tallaabadda xukuummadu ku fulisay xubnaha eedaha musuqmaasuq galay dhiirigelinayso in maalgashadayaasha caalamku ku soo dhiiradaan Somaliland, waxaanay u soo jeediyeen in xukuummadu ay sharciga hor keento cidkasta amma masuul kasta oo musuqmaasuq lagu helo xilka uu doono ha hayee.

War-saxaafadeedkaa ka soo baxay Isbahaysiga ururada difaacayaasha xuquul-insaanka Somaliland ee SOHIRA-Net, ayaa sidoo kale waxa lagaga hadlay xaaladda uu dalku marao, kaasoo u qornaa sidan: “Isbahaysiga Dhexdhexaadka ah ee Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga oo ay ku bahoobay in ka badan 28 hay’adood oo wadani ah iyo Ashkhaas ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta Xuquuqaha iyo Xoriyadaha Aasaasiga ah ee uu damaano qaaday Distoorka Dalka Somaliland, Isbahaysiga oo magaciisa loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, waxay si taxadar leh u soo dhawaynayaan talaabooyin dhaxal gal ah oo ay qaaday xukuumada madaxwayne Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, talaabooyinkan oo saamayn ku leh dhinaca amaanka, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo hirgalinta maamul wanaaga, iyo xaqiijinta xaqa aayo ka tashiga ee shacbiga dalka Somaliland.

 Iyadoo ururada ku bahoobay isbahaysiga SOHIRA-Net ay si feejigan ugu dhabogalayay xaaladaha saamaynta tooska ah iyo tan dadbanba ku leh xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee muwaadinka Somaliland tan iyo markii talada dalkaSomalilanduu la wareegay xisbiga Kulmiye

Sidoo kalana aanu kormeer joogto ah ku samaynayay sida ay xukuumadaSomalilanduga go’an tahay hirgalinta maamul wanaag, la dagaalanka musuqmaasuqa.

Isla markaasina si joogto ah ugu dhabo galaynay qaabka iyo qorshayaasha dal ee xukuumadu wax kaga qabanayaso fakhriga iyo saboolnimada xad dhaafka ah ee dalka ka jirta, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo istiraajiyada guud ee ay ugu hawlgasho xaqiijinta xaqa aayo ka tashiga ah ee qarankaSomaliland.

Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee madaxabanaani waxay si buuxda u taageerayaan falkii ay xukuumada Somaliland xabsiga ugu taxaabtay La taliyihii hore ee Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Maroodijeex, iyo Agaasimihii hore ee Wasaarada Dib u Dajinta Somaliland, kuwaasi oo haatan garsugayaal ku ah xabsiga dhexe ee Caasimada Somaliland kuna eedaysan falal musuqmaasuq, iyadoo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland u arka talaabada ay xukuumadu xabsiga ugu taxaabtay masuuliyiintan sarsare ee ka tirsanaa maamulkeeda mid geesinimo ah isla markaasina wadada u xaadhaysay in madaxda qaranku ka dhawrsanaadaan ku tagrifalka hantida shacbiga ee ay amaanada u hayaan. Waxa kale oo ay aaminsan yihiin Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland in talaabadani wadada u xaadhayso in beesha caalamku, Qaramada Midoobay, Hay’adaha Caalamiga ah ee Samafalka iyo wadamada Saaxiibka la ahi ay xukuumada Somaliland iyo dalkaba mashaariic waawayn oo horumarineed, iyo kuwo samafal oo si toos ah loo siiyo xukuumadaSomaliland.

Talaabadan ayaa sidoo kale dhiiri galin wax ku ool ah siinayansa Maalgashadayaasha caalamiga ah ee danaynaya in ay hanti xoogle galiyaan dalkaSomalilanddhinacayada Ganacsiga, dalxiiska, macdanta, warshadaha iwm.

Sidaasi darteed, Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay si buuxda u soo dhawaynayaan talaabada xukuumada Siilaanyo xabsiga ugu taxaabtay seddexda masuul ee kor ku xusan, waxanay ugu baaqayaan xukuumada Siilaanyo in talaabadani aanay ku ekaan oo kali ah seddexdan masuul ee masuul kasta darajo kasta ha lahaadee ee si shaqsi ah ugu tagri fala awooda iyo xilalka ay qaranka u hayaan in laga qaado talaabo la mid ah tan ay xukuumada Somaliland ka qaaday seddexda masuul.

 Sidoo kale waxay Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland si buuxda ula socdaan geedi socodka dacwada Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland ku soo oogay seddexda masuul eek ala ah

taasi oo Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ku xaqiijinayaan bal in ay masuuliyiintani ay ka helayaan cadaalada Somaliland garsoor dhex ah oo cadaalad ah.

Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxa ay u arkaan xadhiga Boqor Cismaan Buurmadow mid xukuumadu u martay jidka sharciga ah oo ay maxkamadi xalaalaysay, iyadoo Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ay haatan si taxadar leh ugu dhabo galaya eedaha iyo geedi socodka dacwada lidka ku ah Boqor Cismaan Buurmadow.

Dhinaca kale mabaadii’da ay sida xoogan u aaminsan yihiin Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa waxa ka mid ah in aan laga aamusi karin cid kasta oo gaysata falal xadgudub ku ah xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee shacabka Somaliland iyo/ama gaysta dambiyo lid ku ah aadaminimada, sidaasi darteed Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay fursadan ku iftiiminayaan in Boqor Cismaan Buurmadow uu yahay shaqsigii ugu horeeyay ee dalka Somaliland gudihiisa ku afduuba ruux shaqsi ah oo madaxfurasho ka raba falkaasi oo sababay afduubyo kale oo aargudasho ah iyadoo dambigaasi aan Boqor Cismaan Buurmadow loo horgaynin maxkamad iyo sidoo kale dadkii kale ee aargoosiga ficilkiisa oo kale u raacay.

Sidaasi darteed,  Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan hay’adaha sharcifulinta Somaliland iyo kuwa garsoorkaba in ay ku soo oogaan Boqor Cismaan Buurmadow dambiyada ka baxsan aadaminimada ee uu hore u gaystay.

Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay soo dhawaynayaan talaabooyinka dhinaca amaanka ah ee ay ka qaaday dhawaan shaqaaqooyinkii ka taagnaa gobolada galbeedkaSomaliland.

Ugu dambayn Ururada iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si buuxda u taageersan yihiin siyaasada xukuumada Somaliland ee dhinaca arimaha dibada iyo go’aankii taariikhiga ahaa ee xukuumada Somaliland ka qaybgalkeedii shirkii London ka soo baxay.”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com