Borama: Booliska oo toogtay arday ku jiray Jaamacadda Cammuud

0

Borama-(Berberanews)-Askari tirsan Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Xabbad ku dhuftay arday wax ka baranayey Jaamacadda Camuud Faraceeda Magaalada Boorama.

Marxuumka ayaa u geeriyooday Rasaas sida la sheegay kaaga fakatay Askariga.

Masuuliyiinta Gobolka iyo Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in gacanta lagu hayo askarigii falka geystay, lana baadhayo sababta keentay toogashada, sharcigana la marin doono.

Duqa Degmada Boorame Maxamed Baradhe, ayaa Sheegay in ardeyga la toogtay Marxuum Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim, uu kasoo jeeday Deegaanka Boosaaso,Kaas oo Askariga ilaalada u ah Jaamacada Xabadu Kaga Dhacdey, Islamarkaana uu Mudo dheer Dhiganayay Hada Jaamacada Camuud.

Waxaanu Maayarku, Meesha Ka Saarey in aanay waxba ka Jirrin in Marxuumku Ku labisnaa Calanka Soomaaliya taas oo ah, Laakiin waxa uu Xusey in uu Askariga weydiistay inuu Jaamacada Galo, Maadaama u sheegay in uu Moobilkiisa kusoo Ilaaway Gudaha Jaamacada.

Waxa Kale, oo Maayarku Xusey in Qoyska Marxuumka(Ardeyga Dhintey), ay Mudo Deganaayeen Magaalada Boorame.

Wali Baadhista ayaa Socota, Islamarkaana, Ciidamada Booliska iyo Dawladu kama ay Hadlin Waxaase Si kooban u Faafaahiyay, Maamulka Jaamacada Camuud Khusuusan Gudoomiyaha Jaamacada Saleebaan Maxamuud Aadan.

Waa dhacdadii u horaysay ee noocan ah oo ka dhacda Jaamacadda ugu weyn Somaliland ee Camuud.
Ardayga dhintay ayaa kamid ahaa ardayda boodhinka ah, waxaanu ka yimi Bariga Gobolka Sanaag.
Alle ha u naxariisto, ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan haka siiyo.