Buffon Oo Loo Magacaabay Madaxweyne Ku Xigeenka Xidhiidhka Ay Ku Mideysan Yihiin Ciyaartoyda Italy.

0

Italy (Berberanews Sports):- Halyeeyga kooxda Juventus Gianlugi Buffon ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka xidhiidhka ciyaartoyda Italy ee loo yaqaano AIC.

Waxa uu la shaqeyn doonaa madaxweynaha haatan ahaana ciyaaryahankii hore ee Roma Damiano Tomasi, iyadoo labada nin ay doonayaan inay bedelaan muqaalka ciyaartoyda Talyaaniga laga heysto.

“Ciyaartoyda waa ogyihiin inay dad badan u yihiin dad lagu daydo, lakiin badanaa waxa ay la’yihiin wixii ay ku noqon lahaayeen wakiilo baahiya wararka” ayuu Tomasi u sheegay wakaalada wararka Talyaaniga Ansa.

Buffon, oo dhawaan kooxdiisa ka caawiyay inay hanato horyaalka Talyaaniga ayaa intaas ku daray:

“Waxaan qabaa inuu jiro wax aasaas u ah in dib loo soo dhigo muuqaalka kubada cagta”

In kabadan 2 kun ciyaaryahan oo ku xamaashada kubada cagta ayaa ka tirsan ururkaas AIC, waxaana haatan madax u ah Tomasi iyo ciyaaryahankii ku guuleystay koobka aduunka iyo seddex Scudetto.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports