Burco: Laba Murrashax oo isku madal ku muujiyay awoodooda

0

Burco-(Berberanews)-Xildhibaanno, siyaasiyiin, ganacsato, cuqaal, iyo dadweyne tiro badan, ayaa ka soo qaybgalay xaflad xalay lagu qabtay Burco oo taageerayaashooda kula hadleen Murrashaxiin Maxamed Jaamac Liibaan iyo Maxamed Ibraahin Ismaaciil.

Musharraxiinta kala ah Maxamed Jaamac Liibaan oo u taagan Golaha Wakiillada Somaliland, kana sharraxan Gobolka Saaxil iyo Maxamed Ibraahin Ismaaciil (Dable) oo isna u taagan Golaha Deegaanka Berbera.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay isna garan taagayo xubnihii bedeli lahaa isaga, “Anigoo ah xildhibaannada sii daadegaya oon siyaasaddubigu sintay oon Ilaahay ugu mahadnaqayo oo xubmihii i bedeli lahaa aan anigu daadihinayo.”

Halkan ka daawo warbixinta.