Buubaa oo ka digay Farogelinta Imaaraadka ee Somaliland

0

Hargeysa (Berberanews)– Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ka waramay kulan uu magaalada Doha ee wadanka Qatar kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Siyaasi Buubaa ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay  ka wada hadleen wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya iyo mustaqbalka labada wadan.

Dhinaca kale Ismaaciil Hure Buubaa ayaa waxa uu ka digay fara gelin siyaasadeed oo uu sheegay in dawlada Imaaraadka Carabta ay ku hayso Somaliland gaar ahaana hanaanka doorashooyinka, waxana uu isku xidhay nuxurka qodobo ay xukuumadu sheegtay inay ku heshiiyeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo war-murtiyeed ay wada jir u soo saareen Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo ku saabsanaa doorashooyinka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka