Home WARARKA Buuhoodle: Dabley Hubaysan oo toogasho ku dilay 1 qof mid Kalena dhaawacay
Buuhoodle-(Berberanews)- hal qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas ku fureen gaadhi ay saarnaayeen oo marayay jidka u dhexeeya Laascaanood iyo Buuhoodle.
Dulkan oo caawa fiidkii ka dhacay duleedka tuulada Yeyle, ayaa la sheegay inuu la xidhiidho dil todobaadkan nin hubaysani ugu geystay caaqil magaalada Buuhoodle.
Ninkaas hore u geystay dilka ayaa isla markiiba gacanta lagu dhigay, kaasoo arrinka dilkana wadahadal uga socday labada dhinac.
Like this:
Like Loading...