Buulo-burde: 25 qof oo ku dhintay dagaal dhexmaray Alshabaab iyo dowladda

0

Somalia-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay 25 qof, ayaa ku dhintay dagaal Buula Burde ku dhexmaray Ciidammada Dowladda Somalia iyo Alshabaab.

Dagaalka oo ka dhacay Ceel Bacad oo 25km u jirta Buulo Burde ayay ciidammada dowladdu ku soo bandhigeen hub iyo maydad ay sheegen inay ka dileen alshabaab.

Taliyaha qaybta 27aad General Axmed Maxamuud oo saxaafadda kuma hadlay Buulo Burde, ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

“Ciidanka 27aad qaybta Buulo Burde degan hawlgal ayay galeen maanta oo cadowga xaggiisa ah, ka dib markii ay heleen zog buuxda oo cadowga ku saabsan waxa la diray ciidamo qaybta ka tirsan oo ah ciidamo si gaara u tobabaran, ayaa xalay u guureeyay deegaankaas ka dibna cadowga ku galay saaka, waxaana halkaas ka dhacay khasaare weyn oo cadowga loo geystay dad illaa 25 ah ba ka dhintay, qaar maydadkoodii waa keenay, qaarna meeshii baa looga soo tegay, maadaama meesha aanu gaadiid geli karin, waxaa laga soo qabtay hubkaas aad aragtaan, khasaaraha waxaan u naqaan wanaag, waayo waxaan la dagaalanaynaa waa khawaariij, khawaarijkana hadad disho janaad gelaysa, haduu ku dilona janaad gelaysaa, markasta ajar baa kuu soconaya, annagana laba askari baa naga dhaawacmay.”