Caalamka Waxa Laysku Taageraa Danno.

0

WQ Garyaqaan Yuusuf Biixi

Muwaadinkasta Oo Somalilander ah Oo Taageersan Somalia Sheegashada Badeed ee Kinya iyo Somalia ay ku Muransanyihiin waxa uu sidoo kale ka hor imanayaa Muqadasnimada jiritaanka xuduuda Badeed Ee somaliland.

Marka ugu horaysa waxaan halkan ku cadaynayaa in Marin Xuduudeedka Badeed Ee ay Somalia ku Doodaysaa inaanuu ku ekayn oo kaliya muranka u dhexeeya Kenya iyo somalia balse sheegashadoodu ay tahay Ilaa Badda somaliland, Min saylac ilaa Raskanboli sida ku cad cabirka badeed iyo kahriirada ay maxkamda calamiga ah u gudbisatay soamlia

Sidaynu ka warqabno Baryahanba waxaa isa soo tarayey masuuliyiin Xisbiyada Qaranka ka mid ah iyo aqoon yahano somalilanders ah oo difaacayey isla markaana ku doodayey in muranka badeed ee kenya iyo somalia ay isku hayaan ee ku jira ka garnaqa maxkamada Caalamiga ah Ee aduunka ICCJ , ay taagrsanyihiin isla markaana ay la jiraan sheegashada iyo lahaanshiyaha khariirada badeed ee somalia

Masuuliyiintani somalilanderska ahi waxay ku doodayeen inay taagersanyihiin jiritaanka Iyo lahaanshiyaha somalia ay ku sheeganayso bada ay khariiradeeda u gudbisay maxkamada isla markaana ay kasoo horjedaan sheegashada kenya.

Hadaba waxaa is waydiin leh dadka somalilanderska ah ee taagersan marin xuduudeedka iyo sheegashada somalia ee ay ku sheegatay min saylac ilaa raskanbooli ma waxay la aqoonsanyihiin inaanay jirin xad badeed ay somaliland leedahay oo sida xukuumada somaliyaba ay u diidantahay jiritaanka badeed ee somaliland ayay kula socdaan? mise aqoon la,aan ayay ka tahay in aanay garanayn xadka badeed ee somalia ay ku doodayso guud ahaan inay ku jirto khariirad badeeda somaliland?

Kuwa laabtana ka jecel midnimada iyo jiritaanka xudeed dhul iyo badeed ee somalia afkana ka sheega muqadisnimada jiritaanka somaliland waxaan leeyahay labdani isma qabanayso ee labada daarood mid raac

Anigu waxaan aaminsanahay khariirada guud ee ay somalia ku darsatay badda somaliland in ay gaf iyo meel ka dhac ku tahay somaliland isla markaana aan kasoo horjeedo sheegashada somlia ,waxaanab kusoo gabagabaynayaa eraydii abwakii waynaa alle ha unaxariistee maxamed xaashi dhamac gaariye

Abkuu doono Sheegtee
waxuunbaa ehel ii ah
Dadka kaan af aqaano
Ee si wax iila arkaayee
Namidayso Ujeedo.

Lasoco part 2