CAASIMADDA AYAAN DARAN ‘HARGEISA’

0

Magaalooyinka Dunida Guudkeeda ugu Nasiibka Xun HARGEYSA ayaa ka mid ah. Sababtoo ah mudadii ay magaalada ahayd oo dhan 119 sanadood, ma ay helin hogaankii Ku haboonaa ee Horumarin karayay.

Hargeysi waxay magaalo noqotay xili Gumaysi midab takoor ahi haystay oo Ingiriis ahaa. Markii Gumaysigii ay ka xoriwday Hargeysi ee ay noqon lahayd magaalo dadkeedu hagaajistaan oo qorshayaal horumarineed u sameeya, Nasiibdaro Xoriyaddii 1960kii dhalatay Hargeysa DACAR ayay leefsiisay, waxa laga dhextaagay Calan ama Bandiirad Toobal Caare ah oo aanay iyadu iska lahayn, Markii Xoriyadda la qaatayba waxay noqotay Caasimadii Ayaan Daran,  sababtoo ah dadkii u dhashay ee madax iyo ganacsato lahaa way iska guureen Madaxwayne ilaa  dhamaan xubnihii sharci-dajinta Somaliland oo Hargeysa xarun u ahayd, waxay u guureen Muuqdisho, Waxa ay kaga tageen Hargeysa oo shacabkeeda oo ka Caba Ceelal aan NADIIF ahayn oo Ku dhex yaalay Dooxa Hargeysa dhexdiisa.

Town plan Recreational and Parks plan Qorshe Magaalo Mid Goobo lagu Nasto laguma jimicsado iyo Qorshe Qashinka lagaga ururiyo midna looma samayn Hargeysa Ayaan Daran Xoriyadii kadib, xataa Guryaheeda oo Dasooyin u badnaa ilaa Afartaneeyadii ilaa horaantii Kontomeeyadii Suuliyo may lahayn.

Xiriyaddii 9 sano kadib Hargeysa oo Biyo La’ oo Wadooyin La’ oo Dhakhtaro La’ oo Dugsiyo La’ ayuu xukunkii Soomaaliya Qabsaday Kaligii Taliyihii Naargale Maxamed Siyaad Barre, kaasi oo Hargeysa Ayaan Daran u soo magacaabi jiray dad aan u dhalan balse uu rabi In ay ka dhiigaystaan uun, Si bilaa Qorshe ah ayay u Fidaysay Hargeysisi Cadowga haystayna waxa uu abuurmayay Duruufihii Dhamaanteed Loo dumin lahaa.

Waxase xusid mudan in Cadowga Hargeysa Ayaan Daran gumaysanayay ee Siyaad Barre uu Biyo soo galiyo Una Dhisay Golaha Murtida iyo Madadaalada, Rugtii Kutubta iyo Madxaf Qurux badnaa.

Waxa la soo gaadhay 1988 Hargeysa Ayaan Daran dhamaanteed  Dhulka ayaa lala simay iyada oo ay Ciidamadii Dawladii Soomaaliya adeegsanaya dhamaan Hubkii ay haysteen Madaafiic Taangiyo Diyaarado Dagaal Miinooyin ayaa sida roobka loogu Duqeeyay Ayaan Daran waxa la gumaaday Shacabkii Ku noolaaba. Dagaalkii 2aad ee Dunida kadib ma jirto magaalo sidaa dhulka loola simay sidoo kale adduunka korkiisa marnaba kamay dhicin arday inta la ururiyo kadib dhiiga laga shubo ilaa inta ay ka dhimanayeen Lkn Hargeysa way ka dhacday ilayn waa caasimada madaxdii u dhalatay ay isaga guureen 1960kiiye.

Haddii aanay Hargeysi Ayaan Daran ahayn waxaasi oo dhibaato ahiba kuma ay dhaceen.

1991 ayay dadkii iska lahaa Dib ugu soo laabteen Hargeysa. Caqliga Saliumka ah wuxuu is lahaa hadda ayay HARGEYSI Noqon doontaa AYAAN BADAN.

Laakiin Nasiibdaro 26 sano ka bacdi wali Hargeysi waa Ayaan Daran. Waxa u taliya dadkeeda kuwii ugu aqoonta liitay ugu garashada liitay kuwaasi ka dhigay magaslo aan Qorshe iyo nidaam toona lahayn.

Malaha Qaab Shaqaynaya oo Qashinka lagu Maamulo, Malaha Qorshe dadka danyarta ah loogu fududaynayo In y ku noolaadaan Caasimada oo kaabayaal caafimaad Dakhli abuur Waxbarasho Biyo Nadiifa iwm oo damaano qaada noloshooda majirto.

Haddii magaalo magaalo Dunida loo qiimeeyo Magaaloiyinka ugu Musuqmaasuqa Badan HARGEYSA ayaan Daran waxay noqonaysaa kuwa ugu musuqa Badan dunida oo dhan.

Saldhiga Boolis Ee Hargeysa Ku yaal ruux kasta oo adeeg u doontaa isagoo farta dhexda ka qaniinsan ayuu soo noqdaa, ruux kasta oo adeeg u doonta Dawlada Hoose ee Hargeysa waxa khasab Ku ah in uu raadsado ruux ka shaqeeya oo ay isku qolo yihiin ma waa In uu bixiyaa Laaluush. Waxa kaliya oo aan laaluush laga qaadin shacabka Adeega u doonta Dawlada Hoose ee Caasimada waa Hablaha aadka u soo labista.

Markaa miyaynaan u bixin karin Caasimadeena Hargeysa “Caasimaddii Ayaan Daran”

Waxan kaga baxayaa TUDUCYO ka mid ah gabaygii caanka noqday ee Hargeysaay Anaa Kaa Hurdee oo uu tiriyay 1984kii Abwaankii Waynaa ee Faylasuufka ahaa Ahmed Ismaciil Diiriye ‘Qaasim’ Eebe ha u naxariisto Abwaan QAASIM:

”Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene

Halaq iyo abees kuma gam’een hadhacyadaadiiye

Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaamsadaye

Hantidaada muu weerareen halaq wax-boobaaye

Carruurtiyo haweenkaad lahayd lama halgaadeene

Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye

Hoos looma eegeen kuwii hawl-karka ahaaye

Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye

Hootada afaysani boqnaha igama heerteene”

WQ SALEBAN XUQUUQ