Cabdilaahi Yuusuf Axmed Oo Ku Geeriyooday Abu-Dubai

0

Abu-Dubai(Berberanews): Magaalada Abu-Dubai ee dalka UAE waxaa maanta  ku geeriyooday madaxweynihii hore ee dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Marxuum Cabdilaahi Yuusuf ayaa indhawaydba lagu dawaynayay Cisbitaalka Mileterigu leeyahay ee Sheakh Zaid Millatery Hospital ee magaalada Abu-Dubai, waxana la sheegay inuu geeriyooday isaga oo koomo ku jiray abaaro 4-tii subaxnimo ee saaka.

ehelediisa ayaa sheegtay inuu u geeriyoday xanuun dhawr ah oo ka hayay kelyaha iyo sambabada. marxuumka ayaa waxa uu ku jiray dadii 60-da meeyada.

Cabdilaahi Yuusuf Axmed waa uu ahaa General muddo badan ka tirsanaa ciidamada qaranka Somalia. sidoo kale waxa uu ka qayb ahaa maamulo badan oo Somalia ka jira, isagoo mar ahaa madaxweynaha maamul goboleedka puntland, sidoo kalena ahaa madaxweynihii dawladda ku meel gaadhka ah SOMALIA, isagoo markii jagadaasi iska casilay sheegay inuu siyaaasaddii ka baxay.