Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo la sheegay inuu Maxkamad Ingiriiska ku taalla u gudbiyey Dacwad ka dhan ah Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE

0

London, 28 April, 2012 (Berberanews)- Guddoomiyihii 2-aad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo 15 April xilkii iyo xubinnimadii Xisbigaas si jujuub ah looga xayuubiyey, isla markaana dhaawacyo shirkaa lagu soo gaadhsiiyey loo geeyey Cusbitaal ku yaalla Waddanka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu Dacwad ka dhan ah Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo u gudbiyey Maxkamad ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dacwaddaas, hase ahaatee, Wargeyska Ogaal ayey u tibaaxeen ila-wareedyo kala duwani in Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Maxkamad ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska u gudbiyey qoraal Dacwadee la xidhiidha dhibaatooyinka loogu geystay Shirkii golaha dhexe ee KULMIYE oo Huteelka Manasoor ee magaalada Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey 15-kii bishan aynu ku jirno ee April, ka dib markii Shirkaas Xilka lagaga xayuubiyey, Xubinnimadii Xisbiga iyo Golaha dhexe ee uu ka midka ahaana laga qaaday, isla markaana si jujuub iyo xoog ah oo loo adeegsaday Ciidammada Booliska looga saaray Hoolka shirku ka socday.

Qaabka jujuubka ah ee loo saarayey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa sababay inuu damqado Dhabarka oo uu hore uga jabay sannadkii 2009, ka dib markii uu Gaadhi la dhacay iyaga oo soo dhawaynaya Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wakhtigaa ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo xilligaa ahaa Xisbiga Mucaaridka Somaliland ugu weyn, oo ka soo degayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera xilli uu ka soo laabtay magaalada Nairobi oo dhaawac Misigta ka gaadhay loo geeyey, waxaana Shilkaa Baabuur ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Dhabarka kaga jabay ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Marxuum Cali Muxumed Guuleed (Cali-Maarshaal), halka Dhaawac fudud oo gacanta ahina ka soo gaadhay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Inkasta oo aannu isku daynay inaannu wax ka weydiinno Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Dacwadda la sheegay inuu gudbiyey ee ka dhanka ah Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, haddana noomay suuragelin inaannu helno, ka dib markii aanu ku weynay khadka taleefanka. Hase ahaatee, Qoraalka Dacwadda ah ee la sheegay in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir u gudbiyey Maxkamadda dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu ku muujiyey qaabka caddaalad-darrada ah ee loola dhaqmay markii xilka laga qaadayey.

Waxa wararku sheegeen in sidoo kale qoraalka lagu muujiyey in xilka iyo xubinnimada Xisbiga looga qaaday qaab ka baxsan nidaamka dimuquraaddiyadda, Muwaaddinnimada iyo bina-aadamnimada intaba, maaddaama oo inta Shirka laga hor akhriyey qoraal eedayn ah oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi qoray, haddana loo diiday inuu iska diifaaco eedaymahaas, markii uu isku dayey inuu ka hadlo eedaymaha loo jeediyey oo ku saabsanaa kuwo fikir iyo hadal ah loo adeegsaday Ciidammo Boolis ah, kuwaasoo dhaawacyo cusub gaadhsiiyey, Nabarkii hore ee uu Dhabarka ka qabayna damqay.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir dacwaddaa ka gudbiyey Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Talada Somaliland haysa oo loo arko inay isu kaashadeen qaabka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir loola dhaqmay, maaddaama cidda uu dhalliilay ee dalbatay in xilka laga xayuubiyo xubinnimada Xisbigana laga saaro ahaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu habmaamulkiisa dhalliilay. Waxaanu Cabdiraxmaan maalintii shirka laga saaray ee waxani ku dheceen Warbaahinta u sheegay inaanu ka hadhi doonin xaq-darro uu sheegay in loo geystay, isla markaana sharciga kula dagaallami doono cidda falka lagula kacay ka dambaysa iyo cidda fulisay-ba oo uu ula jeeday Xisbiga iyo Xukuumadda oo is-huwan.

Xigasho Wargeyska Ogaal.