Cabdiraxmaan Cirro oo gacan midnimmo u fidiyay ururada Siyaasadeed ee isu diiwaangeliyay Doorashada

0

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu diyaar u yahay midnimmo dhexmarta ururada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyay doorashooyinka iyo tartanka xisbiyada qaranka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto horaanta sanadkan.

Guddoomiyaha ururka Wadani, ahna Guddoomiyaha Giolaha Wakiillada Somaliland oo maanta ka soo degay gegida diyaaradaha Hargeysa, ka dib markii uu soo dhammaystay safar uu muddo ugu maqanaa dalka Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, waxa uu gacan midnimmo u fidiyay ururada kale, isagoo xusay inay fikirkan u soo jeediyeen bulshada reer Somaliland ee uu kula kulmay dalalka uu soo maray.

 “Ururadda badan ee la furay runtii waxay yihiin calaamad wanaagsan oo dimuqraadinimo waana calaamad caafimaad qab dimuqraadiyadeed. Jaaliyadaha Somaliland ee aan kula kulmay Ingiriiska iyo Imaaraadka carabtuba waxay soo jeediyeen in xoogeena iyo midnimada ummadda Somaliland la isu geeyo oo laga bilaabo inay ururaddu isu tagaan si aynu u helno xisbiyo qaran oo saldhigoodu balaadhan yahay,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Urur siyaasadeedka Wadani wuxuu u sheegayaa ummadda reer Somaliland iyo jaaliyadaha dibadaba inuu soo jeedintooda iyo talladoodaba aqbalay, waxaana taasi marag u ah inay ururka Wadani ay iskaashadeen Urur ka mid ah ururadda cusub oo ah Iftiin. Waxa kale oo aanu diyaar u nahay inaanu ururada aanu isku mabaadi’da dhow nahay isu nimaadno oo xoogayaga isku geyno iyo urur kasta oo diyaar u ah tallaabadan oo kale ahba.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Uruka Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo ay Madaarka ku soo dhaweeyeen Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda  Cabdicasiis Maxamed Samaalle, Ku simaha duqa caasimadda ahna Maayar Ku xigeenka Hargeysa Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, Xildhibaano tiro badan oo ka tirsan Aqalka Wakiiladda, salaadiin, Cuqaal, iyo Boqolaal ka mid ah taageereyaasha Wadani, ayaa u  mahadceliyay masuulliyiinta iyo dadweynaha soo dhaweeyay.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inuu dalka Ingiriiska kula kulmay masuulliyiin ka tirsan dawladda UK iyo baarlammaanka, islamarkaana Somaliland loo ogolaaday inay ka soo qaybgasho shirarka iyo kulamada Ururka ay ku bahoobeen dalalka Barwaaqo sooranka.

Guddoomiyuhu wuxuu si weyn ugu mahad celiyay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan UK iyo Imaaraadka carabta, waxaanu tilmaamay inay farriimo wadaniyadeed soo fareen isaguna uu uga xog waramay xaaladda dalku marayo.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com