Cabdiraxmaan Cirro oo shaaciyay musharraxnimadiisa

0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta shaaciyay musharraxnimadiisa Madaxweynenimo ee Xisbigaas.

Guddoomiye Cirro wuxu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasoo u dhignaa sidan:-

“Waxa aan maanta oo Jimce ah si rasmi ah u iclaaminayaa in aan ahay Murashax u taagan Jagada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan ka dhex tartami doono Shirweynaha Xisbiga oo qabsoomi doona 30-31 Oktoobar 2021. GUUL.”