Caddeymo la’aan Eedaha Mucaaradka & Dadka qaar ee Booliiska, FITNO ayey keeni Islaamku ka digay!

0

Qore: Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye)

Assalamualaikum Warahmatullahi Wabarakatuh

Xadiis uu Muslim (Rc) warinaayo Nebigu (scw) Waxuu yidhi: Qofka been waxaa ugu filan inuu sheego wax kasto uu maqlay.

Walaalayaal, naftayda iyo walaalaha islaamka rag iyo dumar waxaan xusuusinayaa halista arrin dhaxalkeedu xun yahay aduun iyo aakhiro, Ilaahay SW uu Quraanka inooga digay, sidoo kale Rasuulkiisu CSW inooga digay,, sida caddeymaha kooban ee Quraanka iyo Axaadiista hoose inoo tilmaamayaan.

Beentu ma banaana, waxaanay ka mid tahay dembiyada cadaabka Alle SW (Ilaahay ha innaga badbaadiyee)lagu mutaysto, sida ay caddeynayso Suurada Al-naxl Ayaada 105aad {Waxa uun Abuurta Been Kuwaan Rummayn Aayadka Eebe, Kuwaasunna Iyaga uunbaa Beenaalayaal ah}

Xadiis uu Abuu Hurayrah (Rc) Warinaayo Nebigu (scw) Wuxuu yidhi: Iska ilaaliya malaha (malo awaalka) waana waxa been u weyne.

Bukhaari & Muslim waxay wariyeen in Nebigu (Scw) yidhi: Tilmaamaha Munaafaqa waa Saddex. Haduu Sheekeeyo Been ayuu Sheegaa. Haduu Ballan qaado wuu ka baxaa. Hadii La aamino wuu khiyaama.

Haddaynu aragnay sida Quraanka iyo Axaadiistu inooga digayaan halista BEENTA iyo Malahu keenaan iyo waxa laga dhaxlo, iyo inay tahay hubka ama fitnada shayaadiintu iyo kuway ku shaqeystaan ummada islaamka ugu kala eryaan, uguna dhexdhigaan fitno, miyaanay dadka caqliga u saaxiibka ahi ka fogaanshaheeda quluubtooda ka dareemayn, marka dib loo xusuusiyo.

Dhinaca kale, dadka qaar baa daliishada caqli iyo daliilo saynis, bal aynu eegno Cilmi baadhis caafimaad oo wargeyska Saxafi baahiyey May 6, 2018, oo ay samaysay jaamacadda London ee dalka Ingiriisku ayaa lagu ogaaday in Beentu naafayso qaybo maskaxda aadamiga ka mid ah, oo shaqooyinka ugu muhiimsana qaabilsan.

Sida ay tilmaamayso cilmi baadhistan ugu danbaysay ee jaamacada London ka samaysay saamaynta beentu ku yeelan karo aadamiga, qofka ayaa markasta oo uu been sheego ay dhibaato ku timaada qaybta damiirka ama xishoodka u qaabilsan maskaxda, taas oo marka qofku caadaystana si ku meel gaadh ah u naafowda. Rasuulka CSW ayaa xadiis inoogu sheegay “Haddaanad xishoonayn, waxaad doontid samee”.

Qaybtan maskaxda u qaabilsan damiirka ama xishoodku waxa kale oo ay aadamiga u samaysay yididiilada iyo deganaanshaha, laakiin haddii ay naafowdo waxa taa badalkeedi qofku dareemaa daganaansho la’aan iyo buuq ama culays badani inuu saaran yahay.

Tixo gabay ayey ku jireen “War Namiimiyahu keenay bay nacastu raacdaaye, Anna Nadartu waxii aan arkaan, Nacam Idhaahdaa”..

Hadii dhibaato kala soo gudboonaato shaqsi ama hay’ad kale Ciidanka Booliiska JSL, waxuu xaq u leeyahay dhibanahu inuu cabashadiisa u gudbiyo sida sharcigu dhigayo, balse, caqliga iyo sharciga midna ma waafaqsana inuu fagaare eedo uga jeediyo, isla markaana xaq-raadiskiisu khilaaf dheeraad ah ka dhex-abuuro ummada islaamka, oo shuruucda dalka iyo Diintu-na aanay ogolayn? Dhamaanteen waajib diini ah ayaa innaga saran ilaalinta wadajirka ummada islaamka.  

Ciidanka Booliiska JSL xeerka oo lagu aasaasay Xeer Lr. 63/2013 waxa qodobadiisa ka mid ah Qodobka 35aad Awoodda Guddida Cabashada Ka-dhanka ah Ciidanka Booliska

1) Cabashooyinka ka dhanka ah Ciidanka Booliiska Somaliland waxa marka hore loo gudbinayaa xafiisyada dabagalka iyo cabashooyinka Dadweynaha ee heer Gobol.

2) Xafiiska dabagalka cabashooyinka dadweynaha ee heer Gobol marka uu helo cabashada waxa ku waajib ah in uu darso islamarkaana go’aan kasoo saaro.

3) Haddii lagu qanci waayo go’aanka Xafiiska dabagalka iyo cabashooyinka dadweynaha ee heer gobol, waxa cabashada go’aankaasi loo gudbinayaa Taliyaha ciidanka. Kaasi oo cabashadaas darsaya go’aanna ka soo saaraysa.

Xisbiyadda Mucaaradku waa hay’addo qanuun sharciyeed shuruucda dalka siiyeen, isla markaana looga baahan yahay inay shuruucda dalka ku dhaqmaan.

Qodobka 8aad: Xuquuqda Xisbiyadda Qaranka

  1. Inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyagoonwax u dhimayn xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka. 

Xadiis Nebiga CSW ayaa macnahiisu ahaa, “Waxa idiinku kheyr badan, qofka dadka ugu waxtar badan”, haddaba, qof walba waxa ku waajib ah, aduun iyo aakhirana anfacaya inuu naftiisa iyo ummada islaamka mid waxtarkeeda ku dedaala noqdo, kana fogaado kala fogeynteeda, oo cawaaqibkeedu labada daarood, midna aanu mahadinayn.

Xadiis Nebiga CSW ayaa macnahiisu ahaa “Fitnadu way hurudaa, Ilaahay ha NACDALLO qofkii toosiya….

Gebagebadii, waxaan kaga baxayaa, khilaaf ummada dhexdeeda inuu yimaado waa lama huraan, xalkeedana, diinta islaamku saddex dariiq ayey inuu bannaysay;

  • In isa-saamax lagu dhameeyo (Ilaahay SW inoo tilmaamay inuu kheyr yahay)

  • In Heshiis labada dhinac lagu dhameeyo

  • In Sharciga lagu kala baxo.

Waxii intaa dhaafsiisan, qofkii la yimaada, inuu aduunkiisa iyo aakhiro u tudho ayaan kula dardaaarmi lahaa, Ilaahay dhamaanteen dariiqa xaqa ha inna waafajiyo, aamiin.

 

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland