Carles Puyol Oo Dhaawac Jilibka Ah Ku Seegi Doona Ciyaaraha Euro 2012 Sida Barca Ay Xaqiijisay.

0

Spain (Berberanews Sports):- Tababaraha xulka Spain Vincente del Bosque ayaa helay war aanuu ku farxin ka hor ciyaaraha Euro 2012 ka dib markii la sheegay in dhaawac uu soo gaadhay Carles Puyol taasoo sababi doonta inuu seego koobka Euro.

34 jirkaan ayaa cayaaray 90ka daqiiqo ee kulankii ay Barcelona 4-0 kaga badisay Espanyol, lakiin waxa uu ka sheeganayay in dhibaato ay ka haysato jilibka.

Waxa uu maray baadhitaano dhowr ah maalintii isniintii si loo ogaado dhibaatada haysata, waxaana Barcelona ay haatan website-keeda ku cadeysay in Puyol uu mari doono qaliin jilibka ah.

Puyol ayaa saalada la saari doonaa maalinta sabtida 12ka bisha May, waxaana la filayaa in ugu yaraan uu maqnaan doono lix wiig.

Difaacan ayaa seegi doona kulanka ugu danbeeya horyaalka ee Barcelona ay la ciyaareyso Real Betis, halka sidoo kale uu seegi doono finalka Copa del Rey iyo ciyaaraha Euro 2012.

Spain ayaa ciyaarta ugu horeysay ee tantanka Euro 2012 waxa ay la ciyaari doontaa Italy 10ka June.

Mustafe Maxamud  “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports