Carlos Tevez Oo Laga Yaabo Inuu Ciyaaro Kulanka Machester City Iyo Chelsea.

0

(Berberanews Sports):- Roberto Mancini ayaa sheegay in Carlos Tevez laga yaabo inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay tan iyo bishii September kulanka habeen danbe ee Premier League ee ay la ciyaarayaan kooxda Chelsea.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaan ciyaarin tan iyo markii uu diiday inuu iskululeeyo kulankii Champions League ee Bayern Munich, waxaana haatan lagu soo celiyay kooxda si uu uga caawiyo tartanka ay ugu jirto hanashada Premier League.

City ayaa aragtay deriskooda oo hogaanka haatan kaga haya afar dhibcood, waana ku qasab ah inay badiyaan kulanka u hadhay ee Chelsea hadii ay doonayaan inay ku sii daba jiraan Man United. 

“Waa maqcuul inuu safto, waxaana uu ka soo muuqan doonaa kursiga keydka kulanka Chelsea” ayuu yidhi Mancini oo ka hadlayay Tevez.
“Waa uu soo fiicnaanayaa, lakiin ma u maleynayo inuu ciyaari karo wax ka badan 25 ama 30 daqiiqo”

Inkastoo kooxdiisa laga keenay shan dhibcood oo ay hogaanka ku heysay, Mancini ayaa weli aaminsan in City ay ku guuleysan doonto horyaalkeedii ugu horeeyay tan iyo 1968dii.

“Waan ku guuleysan doonaa horyaalka, waan ku guuleysan doonaa. Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan ku guuleysan karno horyaalka. Waa inaan u fekernaa si niyad wanaag ah”

“Ilaa iyo haatan waxaa heysanaa fantastik Premier League, waxaana dooneynaa inaan sidaan ku sii wadno”.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports