Chelsea Oo Caydhisay Tababare Andre Villas-Boas Iyo Di Matteo Oo Si KMG Ah U Bedelay.

0

(Berberanews Sports):- Chelsea ayaa caydhisay tababare Andre Villas-Boas in ka yar 24 saacd markii kooxda London ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay West Brom.

Kooxda ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay: “Andre Villa-Boas waxa uu ka tagay kooxda Chelsea Football Club”

“Madaxda kooxda waxa ay doonayaa inay uga mahadceliyaaan shaqadiisa, waxaana ay ka xun yihiin inay soo gabgabeeyaan xidhiidhkii kala dhaxeeyay xilli hore”

“Nasiib darro natiijooyinka iyo qaab ciyaareedka kooxda ayaa ahaa kuwa aan hagaagsaneyn mana jirin wax muujinaya horumar”

“Kooxda weli waxa ay u tartamaeysaa Uefa Champions League iyo FA Cup, iyo sidoo kale booska afaraad ee Premier League, waxaana dooneynaa inaan meelahaas oo dhan ka muuqano” 

“Anagoo taas maskaxda ku heysa, wadada kaliya ee inoo furneyd waxa ay aheyd inaan isbedel sameyno xilligan”

“Waxaa kooxda si ku meel gaadh ah u sii heynaya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan Roberto Di Matteo”

Chelsea ayaa dooneysay inay ku bedesho Rafa Benitez, lakiin waxa ay isku maandhaafsan yihiin mudada heshiiskiisa isagoo doonaya inuu saxeexo ugu yaraan heshiis 18 bilood ah halka Chelsea ay dooneyso kaliya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports