Chelsea Oo Markii 7aad Ku Guuleysatay FA Cup ka Ka Dib Markii Ay Wembley Ugu Awood Sheegteen Liverpool.

0

England (Berberanews Sports):- Kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup markii todobaad ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Liverpool ciyaar final ahayd oo ka dhacday garoonka Wembley.

Finalkaan oo ay garoonka Wembley soo xaadireen 89 kun taageerayaal ah ayaa ku bilowday jawi degan.

Chelsea ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 11aad ee ciyaarta ka dib markii Ramires uu hogaanka u dhiibay, gool ay qalad weyn ku lahaayeen difaaca Reds Jose Enrique iyo goolhaye Pepe Reina.

Waxaana goolka Ramires uu ahaa goolkii lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta oo ay u muuqatay in Chelsea ay ka fir fircoonayd kooxda Reds.

Qeybtii labaad ayaa ku bilaabatay si ka dardar badan qeybtii hore, waxaana 7 daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad uu Frank Lampard kubad khatar ah u dhex bixyay Didier Drogba kaasoo isna dabamariyay goolhaye Pepe Reina.

Drogba ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool ka dhaliyay afar final oo FA Cup ah.

 

Waxaana goolkii labaad ka dib uu tababaraha Liverpool wax ka bedelay qaab ciyaareedka kooxdiisa isagoo soo geliyay Andy Carroll islamarkaana bedelay Jay Spearing, waxaana ay u bedesheen qaab ciyaareedka 4-4-2.

Andy Carroll oo ahaa ciyaaryahankii bedelka ku soo galay ayaa daqiiqadii 64aad gool u soo celiyay kooxda Liverpool islamarkaana dib u soo nooleeyay ciyaarta, isagoo si aad ah uga dhex muuqday.

Andy Carroll ayaa u maleeyay inuu kooxdiisa u barbareeyay daqiiqadii 82aad lakiin madaxii uu galay waxaa badbaadiyay goolhaye Cech inkastoo Liverpool ay ku andacoodeen in kubada ay gudaha u gashay goolka.

Inkastoo Liverpool ay cadaadis saareen Chelsea dhamaadkii ciyaarta hadana waa ay haleeli waayeen goolkii barbaraha oo ay ciyaarta wakhti dheeri ah ugu diri lahaayeen.

Waxaana Chelsea ay xaqiijisatay koobkeedii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka, iyagoo kor u qaaday FA Cup markii 4aad lix sanno gudaheeda.

Chelsea ayaa sidoo kale finalka ka joogta Champions League oo ay 19ka bishaan la ciyaari doonaan kooxda Bayern Munich.

Tababare Roberto di Matteo ayay u tahay hanashadan koobkaan mid uu kaga dhaadhicin karo mulkiilaha Chelsea Roman Abramovich inuu si joogta ah u qabto shaqada kooxda Chelsea.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports