Ciidammada Amisom oo haweenay rayid ah ku dilay Shabeele

0

Shabeele-(Berberanews)-Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Buurane ee Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax lala eegtay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi.

Mas’uuliyiinta degaanka ayaa ku eedeeyey ciidamada AMISOM inay qaraxaas kadib dileen haweenay, hase yeeshee Af-hayeenka AMISOM Gaashanle Dhexe Charles Imbiyaakha, ayaa beeniyey in ciidamada AMISOM ay dileen haweenay rayid ah.

Charles Imbiyaakha waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM saaka qarax lagula eegtay meel 1 kilomitir iyo badh u jirta xeradooda Buurane. Waxa uu sheegay in firidh ka duulay qaraxaasi uu dilay haweenayda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in askari ka tirsan ciidamada AMISOM uu ku dhaawacmay qaraxaasi. Af-hayeenka AMISOM waxa uu beeniyey in AMSOM ay wax dhibaato ah u gaysteen dadka rayidka ah.