Ciidammada AMISOM oo la wareegay garoonka diyaaradaha ee Dayniile

0

Muqdisho-(Berbenews)- Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamada Burundi ay hawlgal Milliteri ka sameeyeen aagga Dayniile, isla markaana ay qabsadeen garoonka dayaaradaha ee Dayniile.

Bishii March 30-keedii ayay AMISOM hore u sheegatay in ay qabsatay Dayniile oo weliba garoonku ku jiro, laakiin sheegashadaas ka dib ayaa Al-Shabaab Weriyayaal geysay garoonka si ay u muujiso in aan AMISOM joogin meesha ee ay Al-Shabaab gacanta ku hayso.

Taliye ku-xigeenka AMISOM, Sarreeye Guuto Audace Nduwumunsi, ayaa sheegay in qabashada garoonka dayaaradaha ee Dayniile ay qeyb ka tahay hawshii ay beesha caalamku u xil saartay AMISOM oo ah in ay Soomaaliya nabadeyso si ay dadkeedu u doortaan dowlad ah nooca iyaga anfacda.

Wuxuu ku tilmaamay tallaabada maanta AMISOM ay ku dhaqaaqday in ay soo dhoweyneyso himiladaas.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.