Ciidammada Booliska Burco oo xoog u ku kala dareeriyay bannaanbax ay sammeeyeen taageerayaasha Urur-siyaasadeedka UDHIS iyo GURMAD

0

Bucro-(Berberanews)-Ciidammada Booliska Burco ayaa xoog iyo rasaas u adeegsaday bannaanbax nabadgelyo ay oo ay sammeeyeen taageerayaasha labada urur-siyaasadeed ee UDHIS iyo GURMAD oo ka biyo-diiday natiijada Guddiga Diiwangelinta Ururada Somaliland soo saaray.

Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer oo ay hor kacayeen Taliyaha Qaybta Booliska Dhegacade, iyo Badhasab-ku-xigenka Gobolka Maxed Maxud Yusuf UBAXLE, ayaa xoog isku hortaagay banaanbaxyada lagu diidanyahay dhawaaqii ka soo yeedhay Gudida Diwaan gelinta ururada siyaasadda ee ay ku shaaciyeen lixda urur-siyaasadeed ee isugu soo hadhay tartanka doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo saddexda xisbi-qaran ee hore u jiray.

Banaabaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey erayo liddi ku ah Go’aanka  Gudida Diwaan gelinta ururada siyaasada iyagoo lahaa “Gudidu dhex dhexaad ma aha ee waxay u jan jeedhaan dhinac, yeeli mayno Go’aanka Guddiga, Caddaalad ba na deeqda” iyo ereyo kale.
Intaa ka dib waxaa madasha soo gaadhay Ciidanka booliska Gobolka Togdheer oo kala ka xeeyay Mudaharaadayaasha  Urur Siyaasdeedada Gurmad iyo UDHIS iyaga oo halkaa ku qab qabtay taageeryaashii Urur siyaasadeedyada Bannaanbaxa dhigayey iyo Dad kale.

Masuuliyiinta Urur Siyaadeedyada Gurmad iyo UDHIS Ee Gobolka Togdheer waxay sheegen inay ka xun yihiin inay boolisku iska hortaageen mudaharaadkii ay ku muujin lahaayeen Mawqifka ay ka istaageen Gudida Diwaan gelinta oo ay sheegeen inaanay xaq ahayn natiijada ay soo sareen ee ay ku kala reebeen ururada siyaasadda , iyaga oo xusay inuu bannaanbaxani ahaa mid salmiya oo ay si nabada u Qabsan lahaayeen imikana aanay joojinayn inta ay Ishoodu ka arkayso Xaq ay ku dhaqmaan Gudida Diwaan Gelintu , waxay ku hanjabeen in dhaaman Gobolada dalka ay ka samayn doonaan.

Waxaa isaguna halkaa ka ahadlay Oday Jamac oo ka mid ah masuliyiinta Ururka GURMAD ayaa u sheegay taageerayaasha ururka GURMAD inaanay ka Gaabin Mawqifkooda ku aadan inay dhiibtaan Cabashadooda oo aanay kala ka xayn Karin laba gaadhi oo boolis ahi, waxanay sheegeen masuuliyiintaa u hadlaysay Urur Siayadeedka Gurmad Inaany joojin doonin Mudaharaadadas oo aanay balan sanyihiin maalinta berri ah.

Urur siyaasadeedyada GURMAD iyo UDHIS oo ka mid ah Ururadii ugu laxaadka weynaa Ururada siyaasadda ee Tartamayey ayaa madaxdiisu si cad u sheegeen inaanay aqbalaynin Go’aankii Guddiiga Diiwaangelinta, iyadoo masuuliyiinta 7 Urur oo ay kamid ahaayeen ururadii la reebayna ay shalay shaaciyeen in Bannaanbax 3 Maalmood socon doona ay ka dhigi Doona Gobolada Dalka oo dhan.

Berberanews.com