Ciidammada Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay Xildhiban ka tirsan Somalia

0

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ku xidhay Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ahna musharrax Madaxweyne.

Ciidanka ayaa qabtay Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, waxaana loo gudbiyey xarunta dembi-baadhista.

Lama oga halka uu ku wajahnaa safarka xildhibaanka, hasse ahaatee waxaa wararku sheegayaan in hadda lagu dhax hayo saldhig ku yaala gudaha Garoonka.

Mustaf Dhuxuloow ayaa ka mid ahaa musharixiinta dhawaan shirka ugu soo dhamaaday magaalada Muqdisho, Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo la xidhiidha xadhiga Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.