Ciidammada Cirka ee Maraykanka oo halgal Milateri ku soo furtay Laba qof oo Koox Budhcad-badeed Soomali ahi afduub ku haysteen

0

Gaalkacay-(Berberanews)- Ciidammada Cirka Maraykaykanku waxay xalay xoog ku soo furteen laba samafalayaal u shaqaynayay Hay’adda Miino saarka DDG oo sanadkii hore koox budhcad-badeed ahi ku afduubeen magaalada Gaalkacayo xili ay doonayeen inay halkaas ka raacaan diyaarad.

Labadan ruux oo u kala dhashay Mareykanka iyo Denmark, ayaa waxa xoog ku soo furtay diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Ciidammada Dalka Maraykanka, ka dib dagaal dhexmaray kooxdii afduubka ku haysatay labada qof, iyadoo wararka laga helayo hawlgalkaasi xaqiijinayo inay ku dhinteen sideed ka mid ah budhcad-badeedka gacanta ku hayay.

Jessica Buchanan oo u dhalatey Mareykanka iyo ninka la afduubnaa Poul Thisted, oo u dhashey Denmark, waxay kooxaha budhcad-badeedda ahi ka afduubeen Koonfurta Gaalkacyo 25-kii bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kuwaasoo sii dayntooda lagu xidhay lacag madax-furasho ah.

Sarkaal u hadlay Maraykanka oo xaqiijiyay dhacdadan, ayaa sheegat inaanay wax dhibaato ahi soo gaadhin labada la-hayste ee xoriyadooda helay oo la geeyay Saldhiga Ciidammada Maraykanku ku leeyahay dalka Djibouti.