Ciidammada Jabuuti oo la Sheegay inay Badeecado Kala Duwan ka Qaatay Gudaha Somaliland

0

Degaannada la sheegay in ciidammada Jabuuti badeecadaha ka qaateen iyo jawaabta Somaliland ka bixisay arrintan…….

 Lawyacaddo (Berberanews/Jam)- Ciidammada dalka Jabuuti ayaa la sheegay inay gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ka qaateen badeecado kala duwan oo ay leeyihiin muwaaddiniin reer Somaliland.

Siday Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa ciidammada Jabuuti oo kaashanayey sarkaal booliska Somaliland ah ay maalintii Isniinta magaalada Lawyacaddo ka qaateen badeecado kala duwan oo muwaaddin reer Somaliland ah ka rareen magaalada Wajaale si ay ugu iib-geeyaan magaalo-xuduudeedda Lawyacaddo.

Waxa kaloo ay ciidammada Jabuuti 18 kartoon oo sigaar ah maalintii Axadda ka qaateen tuulada la yidhaa Xamaam oo 15km xadka ka xigta dhinaca gudaha Somaliland, iyadoo dhammaanba badeecaddaasna ay la wareegeen ciidanka Jabuuti.

Badhasaabka Gobolka Salal Md. Maxamed Muuse Bucul oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si arrimahan wax looga weydiiyo, waxa uu sheegay in aannu waxba kala socon, isla markaana aanay jirin ciidamo u dhashay dalka Jabuuti oo badeecado ka qaatay magaalada Lawyacado iyo tuulada Xamaam, balse wuxuu caddeeyey inay jirto diyaarad Maraykanku leeyahay oo sifo khaldan u soo gashay hawada Somaliland oo lagu arkay degaanka Xamaam.

“Horta ilaa hadda wax warbixinno ah oo arrintaas la xidhiidha oo boolisku noo soo gudbiyeen ma jirto. Tuulada Xamaam ee aad sheegaysana meel koontarabaan bay noqotay oo amar baannu ku bixinay in nin meeshaas deganaa ka guuro, waxannu halkaas ka guuray ilaa toddoba maalmood ka hor, cid kaloo iminka joogtana ma ogin. Waxa kale oo jirta in diyaarad millatari lagu arkay degaanka Xamaam. Waxaannu u dirnay millatariga Somaliland oo soo xaqiijiyey inay ahayd diyaarad Maraykanku leeyahay oo dhoolatus samaynaysay.

Waxa kaloo aannu la xidhiidhnay dawladda Jabuuti oo iyaguna noo sheegay in diyaaraddaasi Maraykanku leeyahay ay ku soo khaldantay hawada Somaliland, waanan maqalnay in la leeyahay diyaarado koontarabaan raadinaya, ayaa xadka Somaliland uga soo tallaabay dhinaca Jabuuti, markii aannu xaqiijinayna waxaannu ogaannay inay ahayd diyaarad Maraykanku leeyahay oo si khalad ah ku soo gashay hawada Somaliland. Tan kale oo aad leedahay Lawyacaddo ayey ciidanka Jabuuti alaabooyin ka qaateen wax aannu maqalnay ma aha, wax warbixin ah oo arrintaas boolisku naga soo siiyeyna ma jirto,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Inkastoo Badhasaabka Gobolka Salal sheegay in aanay jirin wax badeecado ah ciidammada Jabuuti ka qaateen gudaha Somaliland, haddana siday Jamhuuriya u xaqiijiyeen dad wargaleen ah oo ku sugan xuduudka, waxa maalintii Isniinta waxa gudaha Lawyacado ee dhinaca Somaliland u tallaabay sarkaal u dhashay dalka Jabuuti oo watay ciidamo, isla markaana kaashanayey sarkaal ka tirsan booliska Somaliland ayuu badeecado iib loogu talogalay oo uu leeyahay muwaaddin reer Somaliland ah ka qaatay gudaha magaalada Lawyacaddo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.