Ciidammada Milateriga oo la wareegay ammaanka Jigjiga

0

Jigjiga(Berberanews)- Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in maanta ay deggan tahay xaaladda Jigjiga, ka dib markii ciidammada millitariga ay la wareegeen waddooyinka magaaladaas.

Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda isla markaasna magaalada ay hadda xasiloontahay. Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga waxaa ku dhintay laba qof halka ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen rabshadihii halkaasi ka dhacay.

Rabshadahii shalay ka dhacay Jigjiga ayaa waxaa uu u dhexeeyay qaar kamid ah qowmiyadaha wada deggo dalkaasi ee Axmaarada iyo Soomaalida.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-