Ciidammada Somaliland oo mushaharka loo kordhinayo 2022

0

HARGEYSA-(Berberanews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay sannadka 2022-ka mushaharka u kordhin doonto Ciidammada kala duwan ee Qaranka lacag dhan 20% (boqolkiiba labaatan).

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire oo warbixin ka jeediyey shirkii golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiistii maanta, ayaa sheegay in Ciidanka musharka loo kordhin doono 2022-ka, sida ay ku dareen oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagaga warramay shirka golaha wasiirrada ee maanta, waxaanu qoraalka Warka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Berberanews u dhignaa sidatan:-

“WAR-SAXAAFADEED-26 /08/2021 – Fadhigii  78-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

Ugu horrayna waxa warbixin laga dhegeystay wasiirka Arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha xog ka siiyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xidhiidha sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka. Sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyey la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika.

Waxa isna golaha warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xidhiidha miisaaniyadda qaranka Somaliland.

Ugu danbayntiina wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka, ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaharka dhammaan ciidamada qalabka sida. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka madaxtooyada Somaliland naga soo gaadhay.