Ciidammada TPLF oo soo riday diyaarad ciidanka Itoobiya leeyihiin

0

Tigree-(Berberanews)-Xoogaga TPLF, ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid duuliyayaasha diulyaaradaha dagaalka ee dalka Itoobiya.

Sida uu baahiyay Telefiishanka ay leeyihiin Tigreegu, duuliyaha ayaa baarashuud ka goostay diyaaradda ka dib markii ay hawada ku gubatay, taasoo sida la filayo lala eegtay gantaal.

Ka dibna uu duuliyihii diyaaraddu markii uu dhulka soo gaadhay u gacan galay kooxda TPLF oo dawladdu sheegatay inay gacanta kaga dhigtay caasimaddii Maqale.

Dhacdadan, ayaa muujinaysa awoodda ay weli haystaan Kooxda TPLF oo hore wacad ugu maray inay xorayn doonaan shacabkooda, lana rajaynayo inay dagaal janhadayn ah ku galaan buuraha deegaankas, sidii ay hore ugu jabiyeen dawladdii Mingiste ee ay xukunka uga tuureen 1991kii.