Ciidanka Booliska oo hawlgal ay ka sameeyeen Hargeysa ku qabtay Nin Hubaysan iyo dareennada uu dhaliyey

0

Hargeysa-(Berberanews)- Ciidammada Booliska Somaliland, gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, ayaa shalay gelinkii hore ku jiray heegan buuxa oo nabdgelyada lagu sugayo, isla markaana is-goys kasta oo waddooyinka magaalada ka mid ah ku baadhayey Gaadiidka, marka laga reebo Baabuurta Basaska ee rakaabka qaada.

Heegankan Ciidammada Booliska Hargeysa sameeyey shalay ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey dareen ka dhashay Nin hubaysan oo Ciidanka Booliska Saldhigga Dalooldho ee Waqooyiga Caasimaddu habeen-hore ku qabteen goobo ay roondo kaga jireen.

Ma jiro war rasmi ah ula xidhiiha heegankaas Ciidanka ammaanka la geliyey oo ka soo baxay dawladda, hase-yeeshee, sida ay Berberanews u tibaaxeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo tallaabooyinkaa u dhuun-daloolay in habeen hore abbaaro tobankii habeennimo Ciidanka Booliska Saldhigga Dalooldho ay ku qabteen magaalada Hargeysa nin ku hubaysnaa Bambooyin kala duwan oo ay ku jiraan kuwa loo yaqaan anti-taangiga.

Warku waxa uu intaa ku daray in Ninka Bambooyinka ku hubaysan ee la qabtay Booliska u sheegtay inuu yahay nin ka tirsan Ciidanka Liyuu Booliska loo yaqaan ee Ismaamullka Soomaalida Killalka shanaad ee Itoobiya, isla markaana waxa warku intaa ku daray in shalay Ninkaas lagu wareejiyey Ciidanka Baadhista Dambiyada Somalialnd xaruntooda Hargeysa, si halkaa su’aalo loogu weydiiyo.

Hawlgalka ammaanka lagu sugayo ee Ciidammada Booliska shalay ka wadeen qaybaha magaalada Hargeysa, ayaa waxoogaa cidhiidhi ah ku abuuray isu-socodka Gaadiidka magaalada dhexdeeda u kala goosho gelinkii hore oo baadhistu socotay, iyada oo jid kasta lagu arkayey Baabuur tiro badan oo si saf-saf ah waddooyinka isu daba tuban, hakadka keenay wakhtiga gaadhiga ay Askartu baadhayeen awgii. Balse maaha mrkii ugu horreysay ee ay Ciidammadu sidan oo kale baadhitaan noocan ah ugu sameeyaan Gawaadhida isaga dhex gooshta magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.