Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo qabtay markab Djibouti leedahay

0

Saylac-(Berberanews)-Hawlgal ay sameeyeen Saldhiga labaad ee Ciidanka ilaalada Xeebaha iyo Difaca Badda Somaliland ee fadhigeedu yahay Magalaada Saylac ayaa Gacanta ku soo dhigay Markabkan sifo sharci darro ah ku soo galay badda.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Djibouti ayay Ciidanka Ilaalada Baddu ka war heleen markii uu Biyaha Badda somaliland soo galay ka dib markii uu soo qabtay qalabka Radar ka ciidanku badda ku ilaaliyo .

Waxa gacanta ku haya ciidanka markabkii iyo shaqaalihiisiba Markabkan Ciidanka ILAALADA BADDA Somaliland oo sheegay in Talaabo Adag laga Qaadayo.