Cirro oo ku eeddeeyey Madaxweyne Muuse Biixi inuu xidhiidh joogto ah la sameeyo Madaxweynaha Soomaaliya.

0

Isagoo khudbad ka jeedinayey munaasibad ay ka qaybgaleen Boqolaal kamid ah Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Magaalada Boorama, waxa uu Murrashaxii xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku eeddeeyey Madaxweyne Muuse Biixi inuu xidhiidh joogto ah la sameeyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa dagaalka Tuka-raq ku tilmaamay mid  aan xal u noqonayn soo afjarida khilaafka Xudduuda Somaliland iyo Soomaaliya. Khudbada Guddoomiyaha oo dheerayd, isla markaana lagu baahiyey Mareegta Xisbigaasi ku leeyahay Internet-ka, ayaa waxa uu sidoo kale ugu mahadnaqay Taageerayaasha Xisbigiisa ee Gobolka Awdal iyo guud dalka.

Halkan ka Daawo: