City Oo Ganaax Culus Dul Dhigtay Carlos Tevez, Ka Dib Markii Uu Amar La’aan Ugu Laabtay Argentina.

0

(Berberanews Sports):-Weeraryahanka Kooxda Manchester City Carlos Tevez ayaa lagu helay danbi ah inuu jabiyay sharuucda kooxda waxaana la ganaaxay mushaharka muddo lix wiig ah ka dib markii uu fasax la’aan isaga duulay Argentina.

27 jirkaan ayaanan u ciyaarin Sky Blue tan iyo markii uu diiday inuu iskululeeyo kulankii Champions League ee bishii September, waxaana uu ka careysiiyay kooxda Ingariiska, maqnaanshihiisa waqtiga dheer ee Argentina tan iyo bishii November, waxaana haatan uu raadinayaa inuu kooxda ka tago bishaan Janaayo.

“Anigoo ka jawaabeyna wararka la isla dhexmarayo, kooxda waxa ay xaqiijineysa in Tevez lagu helay danbi ah inuu jabiyay sharcuuda kooxda, iyadoo dacwadiisa la dhageystay 21kii December, waxaana la ganaaxay lix isbuuc” ayuu yidhi isha warkaan ay ka soo xigatay wakaalada Reauters.

“Carlos ayaa damcay inuu racfaan ka qaato go’aankaas, racfaankiisa waa laga diiday, waxa uu haatan heystaa ilaa 30ka bishaan Jenuary inuu ku sameeyo racfaankiisii ugu danbeeyay.

Isha warkaan laga soo xigtay oo City ka tirsan ma uusan sheegin lacagta lagu ganaaxay, halka ay la egyahay, lakiin waxaa la ogsoon yahay in Tevez uu qaato Wiigii 200 kun ginni.

Tevez ayaa lala xdhriidhiyay inuu ka tagayo City iyadoo ay xiiseynayaan AC Milan, Inter Milan, iyo Paris St-Germain, lakiin City ayaa si cad u sheegtay in aanay weli aqbalin heshiis qiimo dhimis ah ama mid amaah ah toona. 

Gudoomiyaha kooxda Khaldoon Al Mubarak ayaa warbixin adag oo uu so saaray waxa uu ku daabacay wargeyska ka soo baxa Abu Dhabi, isagoo sheegay in Tevez uu kooxda ku sii negaan doono hadii la waayo koox ku haboon oo iibsata ka hor bishaan.

Waxa uu xaqiijiyay inay wadahalo la yeesheen kooxaha Inter iyo PSG, halka uu digniin u soo saaray AC Milan oo uu ugu baaqay inay joojiyaan hadalada ay sii sheeganayaan ee ku aadan heshiiska ciyaaryahanka.

“Carlos waxa uu noqon doonaa ciyaaryahan qandaraas kula jira City labada sanno iyo bar kale. Ilaa aan ka helno dalab nagu qasbaya inaan iska fasaxno” ayuu yidhi.

“Inter Milan iyo Paris St Germain waxa ay inoogala hadleen ciyaaryahanka si wanaagsan, markasta waa ay fiican tahay in lala xaajoodo dadka ku soo wajaha sida suuban”

“Dhanka AC Milan, Tevez halkaas kuma haboona. Mr Galliani iyo la taliyayaashiisa waxa ay isgeliyeen kalsooni aan meel saarneyn, iyagoo wadahadalo aan micno ku fadhinin la yeeshay Tevez iyo wakiilkiisa”

“Hadii ay doonayaan inaan u tixgelino dalabkooda, waa inay joojiyaan isku hambalyeeynta dhexdooda ah, islamarkaana ay ka fekeraan sidii ay ula kulmi lahaayeen sharuucdeena ku aadan heshiiskan.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports