Ciyaartoygii Xulka Saaxil ee Mukhtaar Mutto oo ku geeriyooday Hargeysa

0

Hargeysa-(Berberanews)-Alle haw Naxariistee waxaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Hargeysa  Mukhtaar Yaxye Mutto oo ka tirsanaa xulka gobolka Saaxil.

Marxuum Mukhtaar Yaxye waxaa xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey Cisbitaalka Haldoor ee magaalada Hargeysa ka dib shil gaadhi oo uu habeen saddexaad ku galay magaalada Berbera.

Marxuumka ayaa muddo laba habeen ah ku jiray xaalad miyir-doorsoon ah oo dhakhaatiirtu sheegeen inaan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin ee uu u baahanyahay dhakhtar dibadeed.

Maamulka iyo hawlwadeennada Shabakadda Berbernews.com waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii Qaraabadii iyo guud ahaan Bahda ciyaaraja ee ay marxuum Mukhtaar Bah wadaagta ahaayen.
Samir iyo Iiman saadiq ah Alle haka siiyo Aamiin Aamiin.