Ciyaaryahankii Khadka Dhexe Ee Man Utd Darron Gibson Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Everton.

0

(Berberanews Sports):- Kooxda Everton ayaa xaqiijisay inay si rasmi ah u la soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United Darron Gibson.

Ciyaaryahanka reer Ireland oo 24 jir ah ayaa saxeexay heshiis afar sanno iyo badh ah oo uu ku joogayo garoonka Goodison Park, iyadoo aan la shaacinin lacagtii lagu iibsaday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiiska qiimahiisa uu ku kacayo 2 milyan oo ginni.

Gibson ayaa ka soo baxay akadeemiga kooxda United, waxaana kulankiisii ugu horeeyay uu u ciyaaray Red Devils October 2005tii.

Waxa uu ka tagayaa Old Trafford isagoo u saftay 31 kulan, islamarkaana u dhaliyay seddex gool.

Gibson ayaa ku guuldareystay inuu u wareego kooxda Sunderland xagaagii, waxaana uu saftay labo kulan xilli ciyaareedkan oo dhan.

Waxa uu qeyb ka ahaa caweyntii Wayne Rooney iyo Jonny Evans taasoo sababtay caradii Sir Alex Ferguson.

Mustafe maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports