Ciyaaryahankii Liverpool Milan Jovanovic Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Anderlecht.

0

(Berberanews Sports):- Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee xulka Serbia Milan Jovanovic ayaa si rasmi ah uga tagay kooxda Liverpool isagoo ku biiray Anderlecht waxaana uu qalinka ku duugay heshiis labo sanno ka dib markii uu maray tijaabada caafimaadka sida ay xaqiijisay kooxda Ingariiska.

Heshiiska ciyaaryahanka ayaa la isku raacay bilowgii todobaadkan, waxaana ka dhinaa saxeex iyo inuu maro tijaabada caafimaadka.

30 jirkaan ayaa Liverpool si xor ah uga soo biiray kooxda kale ee reer Belgium Standard Liege xagaagii hore, lakiin  waxa uu ku guuldareystay inuu la qabsado England.

Waxaana haatan la isaga diray si hoos loogu dhigo mushaharka kooxda oo uu ka shaqeynayo tababare Kenny Dalglish oo sidoo kalena doonaya inuu ciyaartoy British ah ku darro kooxda 25ka ka kooban.

Numberkii uu xiran jiray Jovanovic ee 14 ayaa waxaa hore u qaatay ciyaaryahanka cusub Jordan Henderson, halka booskiisa garabka bidix uu ka ciyaari doono Stewart Downing.

Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports