Claudio Ranieri: Maya Isma Casilayo, Lakiin Raaligelin Ayaan Ka Bixinayaa Guuldarada.

0

(Berberanews Sports):-Claudio Ranieri ayaa raaligelin siiyay madaxweynaha kooxda Inter Massimo Moratti iyo taageerayaasha ka dib guuldaradii 3-0 ee ka soo gaadhay Bologna, lakiin waxa uu sheegay in aanuu is casili doonin.

Si aan looga baran madaxweynaha kooxda Massimo Moratti ayaa garoonka ka baxay xilligii nasashada markii kooxdiisa lagu lahaa labo gool iyo waxba.

“Dhamaanteen waanu aragnay inaanan soo bandhigeynin waxa aan sameyn karno, waxaana ku jirnaa xaalad adag. Waa inaan mas’uuliyada dusha saaranaa islamarkaana aan raaligelin siinaa madaxweyneheena iyo taageerayaasha. Waxa ay na taageerayeen ilaa iyo markii labo gool la inagu lahaa lakiin goolkii seddexaad ayaa keenay xanaaqa iyo carada” ayuu yidhi Ranieri.

Ranieri ayaa la weydiiyay hadii uu ka fiirsanyo inuu gudbiyo warqadiisa istiqaalada ka dib shan guuldarro lixdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan.

Waxa uu ku jawaabay: “Maya, waxba ma qorsheynayo. Dhamaanteen waxaan u mideysanahay inaan raadino xalka. Waa adag tahay in taageero la helo lakiin waa nagu waajib”

Soo laabashada Wesley Sneijder ayaa keentay inuu qasmo qaab ciyaareedkii Inter ee 4-4-2 taasoo Inter ay ku gaartay 7 guul oo isku xigta intii u dhaxeysay bilihii December iyo Janaayo.

Sniejder ayaa haatan ka ciyaaray weeraryahanka gadaashiisa, lakiin waxa uu Ranieri sheegay inuu ka fiirsan doono arintaas.

Taageerayaasha kooxda ayaa sidoo kale dhamaadkii ciyaarta waxa ay ku jaanta iskula rogayeen magaca tababarahoodii hore Jose Mourinho, taasoo ah hadal aanuu xilligan u baahneyn macalin Ranieri.

Inter ayaa bookhaneysa  Olympique Marseille habeenka arbacada lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam#@berberanews.com

Berberanews Sports