Cumar Carte Qaalib oo Geeriyooday iyo Madaxeweyne Biixi oo tacsi diray

0

Hargeysa-(Berberanews)-Alla ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa mu geeriyoodey siyaasigii Cumar Carte Qaalib oo murdooyinkii u danbeeyay u jiifay xanuun.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi y diray ehladii iyo shacabka uu ka baxay marxuum Cumar Carte.

Sidaana waxa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo u dhignaa sidan: “

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 18/11/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo taariikh ku leh bulshada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan mandaqada geeska Afrika, xilal kala duwana oo uu ugu sareeyey ra’iisal wasaare ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa aqoonyahanadii 1950 meeyadii dalka dibediisa wax ku soo bartay, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb-qaatay shirkii beelaha Somaliland isugu yimaadeen magaalada Boorama ee dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, markii danbena waxa uu ka mid noqday siyaasiyiintii hirgeliyey hannaanka dimu-quraadiyada Xisbiyada badan ee Somaliland ka jira, ilaa maantana waxa uu ku sugnaa dalkiisa hooyo.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”