Cunto yaraan soo foodsaartay kumanaan Qaxiontiga Eritrea

0

Eritrea(Berberanews)-Kumanaan qaxooti Eriteriya ah oo ku sugan gobolka ay colaaduhu aafeeyeen ee Itoobiya ee waqooyiga Tigray ayaa cunno yari soo foodsaartay, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Waxay codsatay in si deg deg ah loo soo galo gobolka si loo bixiyo gargaar deg deg ah.
Isgaashiinta iyo marin u helka gargaarka ayaa xidhmay tan iyo markii uu billowday isku dhaca u dhexeeya ciidanka federaalka iyo dagaalyahannada daacadda u ah hoggaanka Tigray.

Ku dhowaad 100,000 oo qaxooti Eritrean ah ayaa ku sugan Tigray. Waxay ka carareen cadaadis siyaasadeed iyo adeeg militari oo khasab ah.

Diirada waxaa la saaray tobanaan kun oo u qaxay dhanka Suudaan oo ka yimid Tigray intii uu socday dagaalka, laakiin sidoo kale waxaa jira walaac ku saabsan Ereteriyadan. UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay inay “ka walaacsan tahay” wararka aan la hubin ee ku saabsan weerarada iyo afduubka iyo xeryaha qaxootiga.