Cutubyo ka tirsan Jabhadda ONLF oo gaadhay Jigjiga

0

Jigjiga-(Berberanews)-Boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee ONLF ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Labo diyaaradood oo sidday ciidammadan oo ka soo kicitimay dalka Eritrea ayaa gaadhay Jigjiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne, mas`uuliyiin iyo xubno jabhadda ka tirsan oo ku sugnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ibraahim Maxamed Beddel oo ah madaxa ciidammada ONLF ee cutubka maanta gaaray Jigjiga ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiinta ururka ee ku sugan dalka Eritrea ay dabayaaqada bishan gaari doonaan Jigjiga sii loo ambaqaado dhaqan gelinta heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Wuxuu sheegay in wada nolaanshaha shacabka iyo ka shaqeynta horumarka ay tahay arrin ay shacabka ku dhiiro gelinayaan isla markaasna lagu tallaabsan doono nabadda.

Cabdi Saxane Cumar oo ah abaanduulaha ONLF ee ka hawlgalayay gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa BBC-da u sheegay inay mabda’a iyo fikirka ay wateen uu ahaa inay u halgamayeen danta shacabka ayna ku rajaweynayeen inay gaaraan guusha.

“Waxaan is leeyahay mustaqbal, nolol,horumar iyo midnimo ayaa xigi doontaa InshaaAllah” ayuu yiri Saxane.

Wuxuu sheegay in wax dhibaato ah aysan dhexmari doonin iyaga iyo ciidammada Dowlad Deegaanka ayna mid yihiin isla markaasna isbadallada ka dhacay waddanka Itoobiya ay u horseedeen in la gaaro heshiis nabadeed.

Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada kasocda dalkaasi.

Ururka ONLF ayaa tobanaan sanno dagaal kaga soo horjeeday dowladda Itoobiya.

Xigasho Bbc Somali