Home WARARKA Dad ku dhintay qaraxyo ka dhacay Degmada Balcad
Balcad-(Berberanews) -Inta la xaqiijiyay 2 qof oo shacab, ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay Kaantaroolka Galbeed ee Degmada Balcad.
Qaraxa hore oo ka dhacay Barta koontarool ayaa waxaa ku dhintay Labo ruux, hase ahaatee wax yar uu kaddib markii ay goobta gaadheen ciidamo ka tirsan maamulka iyo dadweyne kale ayaa waxaa dhacay qaraxa labaad oo sababay dhaawac in ka badan 10 ruux ciidamo iyo dad shacab ah isugu jira.
Labadan Qarax oo siweyn jugtooda looga maqlay degmada ayaa ka dhacay Barkoontarool oo dhinac galbeedka uga taala degmada Balcad
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo la xidhiidha qaraxyadan.
Like this:
Like Loading...