Dad ku dhintay shil ka dhacay wadada Berbera iyo Hargeysa

0

Berbera(Berberanesws)-Alle ha naxariisto 1 qof ayaa ku geeriyooday 15-kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafaruug iyo Abdaal goobta loo yaqaan “Wadhka”.

Shilkan ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceeen bas yar oo nooca rakaabka qaada ah iyo iska rogo Nooca waaweyn ah oo Jidkaa marayey.

Sidoo kale waxa ay wararku intaas ku daryaan in afar iyo tobanka qof ee dhawacmay saddex qof oo ka mid ahi ay dhaawac culus yihiin.

Somaliland waxaa ku soo badanaya shilalka gaadiidka u badan ee ay ka dhashaan khasaare naf iyo moodba leh.