“Dadkii aan waxba beeranin way bakhtiyeen” Madaxweyne Biixi

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dunidu ku dagaallamayso cunto dal kasta oo aan cunto iyo wax soo saartoona lahayn uu noqon doono mid loo taliyo.

“Maanta aduunka dal waliba wuxu ku dagaalamayaa in uu cunto samaysto, qof kii aan cunto haysan waa loo talinayaa, waxa lagaa iibinayaa cunto anad beeran karayn, Covid 19 baa dhacay, aduunkii wuu wada kala xidh xidh may, dadkii aan waxba beeranin way bakhtiyeen ama silic bay ku nool yihiin”. Ayuu yidhi madaxweynaha oo maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay w

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in wax soo saarku yahay lafdhabarta dal kasta oo horumara isla markaana cidii aan cunto ku filan lasoo bixin ay dawladaha kale u talinayaan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland u baahantahay qorshe lagu sameeyo wax soo saar lagaga baxo baahida “Waxaynaan isku diidanayn, in dalkeena cunto ku filan laga soo saari karo, masuuliyada in lasoo saaro cida qaabilsana waa wasarada beeraha, wasarada beeraha kama rabno iyada in ay noqoto wasarad wax beerta, waxa laga rabaa in ay qaran ka ku hogaamiso in uu wax soo saaro”.ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynuhu.