Dadweynaha dalka Faransiiska oo u dareeray doorashada Madaxtinnimada oo 9 Musharrax u tartamayaan

0

Pariz-(Berberanews)- Waddanka Faransiiska ayaa maanta looga dareeray codbixinta doorashada madaxtinnimada dalkaas, iyaga oo dadweynaha reer Faransiis subaxdii saaka safaf dhaadheer u galay goobaha ay yaallaan sanaadduuqda cod-bixinta.

Dadka dalka Faransiisku, waxa ay saaka u dareereen goobaha ay yaalliin santuuqyada codka lagu rido, waxaana ay soo dooranayaan Madaxweyne. Cod-bixintaas, ayaa loo arkaa Afti loo qaadayo, wixii uu  qabtay Madaxweyne Nicolas Sarkozy’ muddadii u Madaxweynaha ahaa.

Waxaana Jagadaas kula tartamaya, 9 Musharrax oo uu ku jiro hoggaamiyaha Xisbiga Axsaabta Faransiiska ugu ballaadhan ee Hanti-Wadaagga ah oo la yidhaahdo Francois Ollaand.

Labada qof ee hela codadka ugu badan ee wareegga hore ee Doorashada dalka Faransiiska ayaa mar kale iyagu iman doona wareegga Labaad, bisha danbe ee sannadkan, hadii midkoodna uu cod aqlabiyad ah ku guulaysan waayo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.