Dagaal dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Buuhoodle

0

Buuhoodle-(Berberanews)-Dagaal xoogan oo la sheegay in uu u dhexeeyo laba beelood ayaa ka soconaya degmada Buuhoodle.

Ilaa Lix ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku dhinteen sida dad goobjoog ah u sheegeen Berberabews, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo tira badan oo aan ilaa hada la xaqiijin karin tiradooda rasmiga ah.

Dagaalkan ayaa ka bilaabmay dil dhawaan ka dhacay halkaas oo uu ninkii falka geystey Fakaday, iyadoo mudooyinkii u danbeeyey xeerka Buuhoodle uu ahaa cidii cid disha in loo dilo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa ka hadlay dagaalka Buuhoodle, isagoo baaq nabadeed u diray beelaha dagaalamay.