Dagaallo dub uga dhexqarxay Canfarta iyo Somalida

0

Jigjiga(Berberanews)-Dagaallo culus ayaa lagu soo waramayaa  inay maanta dub uga dhexqarxeen ciidammada dowlad deegaanka Somalida Ethiopia iyo kuwa canfarta oo kaashanaya malleeshiyo hubaysan oo hore u xasuuqay dad Somaliyed kana barakiciyay deegaannadooda.

Dagaalka ayaa maanta dub uga bilaabmay magaalada Garbo-ciise ka dib markii ay fashilmeen waan waan iyo wada hadal la doonayay in lagu soo afjaro ama qaab wada hadal ah lagu xaliyo xiisadda u dhaxaysa labada qoomiyadood.