Dalka Armenia oo is dhiibay dagaalkii Kharabaash

0

Berberanews-Ciidammada Dalka Armenia ayaa isdhiibay, ka dib dagaal laba bilood ku dhawaad socday oo ay kula jireen dalka Azerbaijan.

Xiisadda colaadeed ee u dhaxaysay labada dawladood ayaa salka ku haysay Gobolka Kharabaakh oo aduunku u aqoonsanyahay dalka Azeebaijan balse ay muddo 30 sano ah xoog ku haysteen Armenia.

Bishii september ayay ciidammada Azerbaijan weerar ku qaadeen dhulweymaha Karabaakh, iyagoo taageero weyn ka helay diyaarada isduuliya ee dalka Turkiga oo u suurtageliyay gacan saraynta dagaaalka, waxaanay ciidammada Azerbaijan qabsadeen dhul badan oo ay dub u qabsadeen.

Dalka Ruushka ayaa gadhwadeen ka ahaa xabad-joojintan cusub ee lagu soo afjaray collaadii Gobolkaas, iyadoo madaxweynaha Azerbaijan sheegay in gobollada hadhay ee weli ku jira gacanta Armenia ay ilaa December ku soo noqon doonaan gacantooda, sida uu heshiiska cusubi dhigayo.