Dalka Koonfur Afrika oo maanta illaa xalay looga dabbaal-degayo Ururka ANC oo boqol jirsaday

0

Koonfur-Afrika-(Berberanews)- Dalka Koonfur Afrika waxa maanta looga dabbaal-degayaa sannad-guurada 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururka ANC oo ah Urur siyaasi ah oo ka jira waddankaas.               

                              

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee Adduunka ayaa ku sugan dalka Koonfur Africa si ay ugu dabbaal-degaan sannad-guuradii boqolaad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururka ANC. iyada oo ay magaalooyinka waddankaas isugu soo baxeen kumannaan qof oo reer Koonfur Afrika ahi.                                                                                     


Waxay ka qayb qaadanayeen Munaasabad ka dhacaysa Kaniisad ku taalla Bloemfontein halkaas oo ANC lagu dhisay sannadkii 1912-kii si uu ula dagaallamo xukunkii caddaanka tirada yar ahaa ee dalka Koonfur Afrika.

Saqdii dhexe markii la gaadhay ee xalay ayaa intii uu dabbaal-deggu socday Madaxwaynaha Koonfur Afrika iyo hoggaamiyaha ANC Jacob Zuma wuxuu shiday Tooshka Astaanta u ah Munaasabaddaas.

Ururkan ANC, ayaa markii uu guulaystay Madaxweynihii Koonfur Afrika Mr. Mandela Ururkani ahaa ka hoggaamiya waddanka Koonfur Afrika, tan iyo markii laga guulaystay Caddaankii tirada yaraa ee waddankaa ka talin jiray,isla markaana dhibaatooyinka midab kala sooca ah ku hayey Madawga tirada badan ee dalkaas, isla markaana ay ka soo baxaan Madaxweynahayaasha dalkaasi.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.