Dallada Dhallinyarada SYNA oo baarnaamij wacgelinta Qabyaalada ah ku soo gebogebaysay Burco

0

Burco-(Berberanews)-Dallada isku xidhka iyo wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA ayaa Xalay Magaalada Burco ku qabatay munaasibad lagu soo gebogebeeyay barnaamij wacyigelinta qabyaaladda ah oo ay dalladu ka fulisay Dugsiyada Sare ee Gobolka Togdheer iyo waliba Dugsiyada Private ka ah ee lagu barto luqadaha.

Xafladda xidhitaanka Wacyigelintan oo lagu qabtay hoolka Jaamacadda Gollis Burco waxa ka soo qaybgaleen Maamulka Gobolka Togdheer, xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee Burco, Qar ka mid ah Isuduwayaasha wasaaradaha ee Gobolka, Murashaxiinta Dhalinyarada ah ee u sharaxxan Golaha deegaanka ee sannadkan, Ardaydii ka qaybqaadatay wacyigelinti ay SYNA ka fulisay Gobolka, iyo Marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyn waxa munasibadda Gabay Dheer oo ku saabsan Qabyaaladda ka soo jeediyey Abwaanka Da’da yar Cali Maxmed Ibraahin (Cali Dhanaaniye) waxaana uu Gabaygiisan kaga hadlay cidda isticmaasha qabyaaladda iyo faaido darrida qabyaaladda.

Intaas kadib waxa isaguna Munasibadda Khudbadiisi furitaanka ka soo jeediyey Guddoomiyaha Dallada SYNA Mustafe Osman A/rahman, waxaa uu si faahfaahsan uga warbixiyey waxyaabaha ay xafladdani u qabteen iyo wacyigelintii ay mudda bisha ah ka wadeen Gobolkani Togdheer, sidoo kale wuxu Mustafe Cismaan waxooga ka taabtay Waxqabadka Dallada SYNA, iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee SYNA Rabtaa ay yihiin in la helo Dhalinyaro, isku hadaf, isku mawqif iyo isku Dan ah, una wada heelan horumarinta Waddankooda.

Guddoomiyuhu wuxu si aad ah uga hadlay Sida ay dhalinyarada SYNA u qabtaan Barnaamijyadan waaweyn iyagoo bishii 2aadna Gobolkan Togdheer iyo SARAR ka fuliyey wacyigelin ku saabsan HIV/AIDS, taasoo uu sheegay in dhalinyaradani ay wax walba ku maamulaan jeebkooda oo ay isticmaalaan Nususaacahooda, maadaama ay u badan yihiin Arday Jaamacadeed iyo Dugsiyo sare.

Madaxa Xidhiidhka Hay’adaha ee Gobolka Togdheer Mubaarik yusuf Cilmi Bidhi , isuduwa wasaaradda deegaanka Mr. Yusuf ayaa iyaguna wax lagu farxo ku tilmaamay Barnaamijka ay dhalinyaradani ka fuliyeen Gobolka, waxay sheegeen inaanay hore u arag Dhalinyaro intay meel isugu timi u heelan una hawl gelaysa sidii looheli lahaa dhalinyaro isku hadaf iyo isku ujeedo ah, sidookale waxay ku ammaaneen Barnaamijka wacyigelinta qabyaaladda ee ay ka fuliyeen Gobolka Togdheer, oo ay sheegeen in haddii Dhalinyaradu u kacdo suulinta qabyaaladda ay ka suulin karaan dalka oo dhan.

Murashaxa Da’da yar ee sannadkan u sharaxan golayaasha deegaanka Mr. C/risaaq Maxmud jaamac (C/risaaq Aar) Muse  Maxmed iyo  C/xaafid- qalinle oo ka kala socday Dugsiyada Sare ee ALFAARUUQ iyo DAALO ayaa iyaguna sheegay in Mawduuc wanaagsan ay keeneen dhalinyarada Dallada SYNA, isla markaasna loo baahan yahay in dhalinyarada SYNA lala shaqeeyo, waxay xuseen in barnaamijyo badan oo ay SYNA qabatay ay ka qaybqaateen kanina aanu ahayn kii ugu horeeyey, iyagoo dhinaca kale ka dhawaajiyey  in dhalinyaradu ay waxlaba qaban karaan haddii ay taageero maaliyadeed ka helaan xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah ba, waxay u soo jeediyeen Hay’adaha caalamiga ah in ay la shaqeeyaan dhalinyarada iyo NGO yada wax qabanaya iyo inta dhaqaale badan ku bixinayaan waxyaabo badan oo macno badan samaynaynin barnaamijkan qabyaaladdana xooga aad u saaraan si lo helo Bulsho ka fayow cudurkaas aan dawada lahayn ee Qabyaaladda.

Kooxda Hiddaha iyo dhaqanka ee HORSEED BAND oo ka mid ah Kooxaha iyo dhalinyarada ku midaysan  Dalladani SYNA ayaa iyaduna halkaas ku soo Bandhigay DHAANTOOYIN IYO CIYAARO DHAQAMEED iyo WELIBA RIWAAYAD MAGACEEDA LA YIDHAA  QARAN IYO QABYAALADI ISMA QAADI KARAAN.

Ugu Danbayn waxa munasibaddan soo xidhay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed  Aayir, waxaannu sheegay in naanu farxadiisa  qiyaasi Karin isla markaasna uu ku faraxsan yahay inu arko soona hor istaago Dhalinyaro da’a yar  oo ku wada hawlan sidii qabyaalada loo tirtiri lahaa iyo sidii  loo horumarin laha Gobolka Iyo Dalkaba.

Badhasabku wuxu ku  bogaadiyey Dhalinyarada Dallada SYNA inay dadaalkooda sii wadaan isla markaasna ay u arkaan inay dalkooda u shaqaynayaan oo ay sii shaqaysanayaan wixi ay ku noolaan lahaayeen mustaqbalka dhow ee NABAD iyo Horumar bal eh, waxaanu Ballanqaaday inay maamul ahaan is garab taagayaan cid kasta oo ku hawlan Arrimahan ay SYNA ka shaqaynayso si gaar ahna ay Dallada SYNA ula shaqayn Doonaan maadaama ay ku midoobeen qaybo badan oo dhalinyaradu ka kooban tahay.

Berberanews.com

Burco, Somaliland

Email,info@berberanews.com