Dallada Ururada Rayidka Somaliland oo cambaaraysay xadhigga musharraxiinta

0

Hargeysa-(Berberanews)-Dallada ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland, ayaa cambaaraysay xadhig loo geystay xubno musbarraxiina, kuna tilmaameen mid gef iyo xad-gudub ku ah geedi-socodka nidaamka dimuquraadiga ah iyo daah-furnaanta Doorashooyinka.

Guddoomiyaha dallada Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSAF) Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay in ay u kuur-galeen sababta ay u xidhan yihiin murrashaxiintaasi “waxaanu ku baaqaynaa in labada murrashax ee ka qaybgelaya Doorashada Golaha Wakiillada iyo Deegaamada la sii daayo”ayuu yidhi Anwar.